Friday, February 2, 2018

Taariikhdii Fidel Castro

TAARIIKHDII Fidel Castro

Fidel Castro ayaa dalka Cuba hoggaanka u hayay muddo nus qarni ah iyadoo xisbigiisa oo kaliya uu dalkaasi ka talinayay.
Xilli shuuciyaddu ay sii dhaceysay caalamka oo dhan, ayaa calanka Casrto ee casaanka ah waxa uu ka ag babanayay Mareykanka oo ahaa cadowgiisa ugu weyn.
Taageerayaashiisa ayaa ku ammaana in uu ahaa askariga siyaasiga ah ee dadka reer Cuba u soo gacan geliyay dhulkooda isla markaana ka guuleystay mabda'a hantiwadaagga.
Balse waxa uu wajahayay eedeymo ah in uu cabburinayay mucaaradkiisa isla markaana uu dhiirigelinayay siyaasado curyaamiyay dhaqaalaha dalkaasi.
Fidel Alejandro Castro Ruz waxa uu dhashay 13-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1926, waxa uuna ka soo jeedaa qoys beeroley maalqabeen ah oo ka soo haajiray dalka Spain.

Image captionFidel Castro
Hooyadii Lina Ruz González waxaa addoonsi u haystay aabihii oo ay uga shaqayn jirtay beertiisa kaddibna waxa ayna noqotay xaaskiisa kaddib markii ay dhashay Fidel Castro.
Image captionBatista ayaa waxa uu taageero ka haystay Mareykanka.
Castro ayaa waxbarashadiisii ka billaabay iskuulada lagu dhigo madaahiibta katooligga ee masiixiga basle markii dambe waxa uu ku guuldareystay in uu waxbarashadaasi heer ka gaaro, waxa uuna wakhtigiisa dhan geliyay ciyaaraha.
Isaga oo jaamacadda Havana arday ka ah ayaa bartamihii 1940-meeyadii waxa uu noqday nin u ololeeya arrimaha siyaasadda, waxa uuna noqday aftahan.

Shuuciyadda Castro

Castro waxa uu siyaasaddiisa ku bartilmaameedsaday madaxweynihii Cuba ee xilligaasi Ramon Grau oo xukuumaddiisu ay wajahaysay eedeymo musuqmaasuq.
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa dalka ka curtay, waxaana Castro uu noqday bartilmaameedka booliska.
Waxa uu sidoo kale qayb ka ahaa qorshe la doonayay in lagu afgambiyo hoggaamiyaha garabka midig ee Dominican Republic, Rafael Trujillo, balse qorshahaasi ayaa fashilmay kaddib markii uu Mareykanka soo farageliyay.
Image captionCastro ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu weerar fashilmay ku qaaday saldhigga ciidamada ee Moncada Garrison sanadkii 1953.
Sanadkii 1952 ayaa Fulgencio Batista waxa uu weerar ku qaaday dowladda, waxa uuna afgambiyay madaxweyne Carlos Prío.
Castro waxa uu sameystay dhaqdhaqaaq si hoose uga shaqeeya sidii loo inqilaabi lahaa dowladda Batista, waxa uuna bishii Luuliyo ee saandkii 1953 qaaday weerar fashilmay oo uu ku doonayay in uu hub ku furto.
Waxa uuna ka mid noqday maxaabiistii dagaalkaasi lagu qabtay, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.
Sanadkii 1955 ayuu cafis ku soo baxay waxa uuna u cararay dalka Mexico, haseyeeshe sanad kaddib ayuu dalka ku soo laabtay, waxa uuna saldhig ka dhigtay buuraleyda Sierra Maestra, halkaasi oo muddo labo sano ah uu ka jabhadeynayay.
Image caption1959 ayay ciidamada Castro waxa ay gudaha u soo galeen magaalada Havana.
Labadii bishii Janaayo ee sanadkii 1959 ayaa fallaagadiisu waxa ay gudaha u galeen caasimadda Cuba ee Havana, arrintaa oo Batista ku khasabtay in uu dalka ka cararo.
Boqolaal ka tirsan taageerayaasha Batista ayaa la khaarijiyay kaddib markii maxkamad la soo taagay.
Dowladdii uu Castro madaxweynaha ka ahaa ayaa markiiba ballanqaaday in dalka gacanta loo gelinayo dadkii lahaa, isla markaana ay difaacayso xuquuqda dadkeeda saboolka ah.
Haseyeeshee isla markiiba dalka waxaa lagu soo rogay hannaanka siyaasadeed ee halka xisbi, waxaana xabsiga la dhigay boqolaal qof, halka kumanaan u badan dadka hantiilayaasha ahi ay dalka isaga qaxeen.
Sanadkii 1960 ayaa Castro waxa uu dhammaan ganacsigii dadka Mareykanka ah ay ku lahaayeen dalkiisa ku wareejiyay dadka reer Cuba.
Mareykanka ayaa arrintaa uga jawaabay xayiraad ganacsi oo ka dhan ah Cuba, xayiraadaa oo soo gaartay ilaa qarnigii 21-aad.
Sanadkii 1961 ayaa Mareykanka waxa uu damcay in uu afgambiyo dowladda Castro basle arrintaasi ayaa guul darro ku dhamaatay.
Image captionCastro waxa uu qayb ka qaatay weerarka Havana lagu soo galay.
Kaddib CIA-da Mareykanka ayaa isku dayday in ay khaarajiso Castro oo xitaa waxa ay isku dayday in la siiyo sigaar laga soo buuxiyay walxaha qarxa, si uu qaraxa ugu dhinto.
Inakstoo Cuba ay xayiraado dhaqaale saarnaayeen, haddana waxa uu dalkaasi gaaray guulo badan, waxaana shacabkiisa u suurtagashay in ay helaan daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah.
31-dii bishii Luuliyo sanadkii 2006 ayuu Castro si kumeel gaar ah xukunka ugu wareejiyay walaalkii Raul kaddib markii lagu sameeyay qalliin dhanka xiidmaha ah, waxaana sii xumaaday caafimaadkiisa ilaa uu sanadkii 2008-dii rasmiyan xukunka u wareehjiyo.
Image captionCastro remained popular with the broad mass of Cuban people
Dhammaadkii sanadkii 2014-kii ayaa madaxweyne Obama waxa uu shaaciyay in Cuba laga qaadayo xayiraadaha saarnaa muddada nus qarniga ah.
Fidel Castro aad ayuu u soo dhaweeyay arrintaasi waxa uuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xasilinayo gobolka basle waxa uu wali shaki ka muujiyay Mareykanka oo uu sheegay in aan la aamini karin.
Inkastoo dad badan oo reer Cuba ah ay nacayb badan u hayaan Castro, haddana waxaa jira dad kale oo aad u badan oo Castro aad u jecel, waxa ayna u arkaan halyay.

Thursday, April 6, 2017

                                     Qisooyin diini ah

Qormadani waxay hordhac u tahay silsilad taxane ah oo aan ku soo bandhigayno tiro ka mid ah qisooyinka Rasuulkeennu (SCW) uga sheekeeyay asxaabta; si ummaddiisu ugu cibro qaadato. Waxaan isku dayaynaa in aan qisada ka dib muujino wax ka mid ah duruusta iyo faa’iidooyinka ku jira qisada.
Waxaan kale oo is ku dayaynaa in aan muujino meelaha aynu iska shabbahno innaga iyo ummadahaas hore oo Rasuulku (SCW) ka sheekaynayo ha ahaato isu ekaansho wanaagsan ama mid xune.
Qisadu waa in looga sheekeeyo dhacdooyinka iyo hawlaha hab luqadeed oo ku dhammaanaya ujeeddo laga lahaa warinteeda. Qisadu waa nooc ka mid ah noocyada suugaanta oo dadka naftoodu jeceshahay, ay u dheg raariciyaan, una daneeyaan si aysan u danayn suugaanta kale.
Qisadu waxay leedahay noocyo fara badan, sida:
  1. Riwaayadda oo ah qiso dheer oo leh dad badan, mawaaqif iyo dhacdooyin isku murugsan.
  2. Qiso gaaban.
  3. Qiso khiyaali ah.
  4. Qiso dhab ah.
  5. Qiso sarbeeb ah.
Beryahaan dambe waxaa batay qisooyinka, qaar badana waxaa loo badalay bandhigyo iyo filimo lagu matalo qisadu sidii ay u dhacday ama kan allifay u mala awaalay. Waxaa lagu soo bandhigaa shineemooyinka iyo telefishinada. Riwaayadahaani waxay xambaarsan yihiin dadka qoray caqiidadooda, afkaartooda, dhaqankooda iyo akhlaaqdooda.
Dawlado badan ayaa ku dadaala in ay dunida kale ku faafiyaan dhaqankooda iyo caqiidooyinkooda iyaga oo u maraya filimada, riwaayadaha, joornaalada iyo buugaagta; si ay dadka caqligooda ugu qafaashaan, ka dibna ay ugu noqdaan daba joogeyaal ku ag wareega.
Ahmiyada Qisooyinka
Qisooyinka waxaa ugu wanaagsan kuwa Qur’aanka Alle kaga waramay.
Ilaahay wuxuu yiri: (Waxaan kaaga qisaynaynaa qisooyin ah kuwiii ugu wanaagsanaa Qur’aankaan aan kuu waxyoonay aawadi). Qisooyinka Nabiguna (SCW) waa darajada ku xigta; maxaa yeelay iyaguna waa waxyi xagga Rabbi ka yimid.
Dadka in badan waxay la tahay in qisooyinku yihiin wax loo akhristo madadaalo; maxaa yeelay waxay u arkaan in ay tahay wax aan xaqiiqo ahayn ee lagu madadaasho.
Dhab ahaanna qisooyinka dadku ku sheekaystaan badankoodu waa caynkaas.
Qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa Xadiisku waa wada run, waana wada dhab, waxayna ka sheekaynayaan waxyaabo dhacay oo aan siyaado iyo nusqaan midna ku jirin.
Ilaahay wuxuu yiri: (Annaga ayaa kaagaga qisaynayna warkooda (asxaab alkahf) si dhab ah).
Wuxuu kale oo yiri Alle: (kani isaga uun ayaa ah qisooyin dhab ah).
Qisaduna dhab ma noqon karto say u dhacday in loo wariyo mooyee. Ilaahay waa ka nasahan yahay been, mana dhici karto in uu sheego qiso aan dhicin.
Tan kale Ilaahay qisada uu ka waramayo waa wax uu og yahay oo aan mala awaal ahayn, illeyn waa Alle cilmi badane.
Wuxuu yiri Rabbigeen: (waan u qisaynaynaa annaga oo xog ogaal ah, mana ahin cid maqan).
Marka ay ogaadaan addoomadu in waxa Alle uga waramayo ay yihiin wax run ah oo dhab ah waxay ku yeelanaysaa naftooda saamayn weyn, waxaa ku toosaya dhaqankooda iyo akhlaaqdooda.
Waxayna la qaadanaayaan
Ilaahay wuxuu Nabiga (SCW) ku amray in uu dadka uga qiseeyo qisooyinka uu og yahay; si ay ugu fakaraan xaaladaha ummadihii hore, ugu daydaan hadday wanaagsan yihiin, ugana dheeraadaan falalkooda hadday xumaayeen. Alle wuxuu yiri: (Qisooyinka uga qisee ; si ay ugu fakaraan).
Wuxuu kale oo yiri: (Qisooyinkooda (Ilma Yacquub) waxaa ugu sugan dadka caqliga leh cibra qaadasho, mana aha qisadaani sheeko la been abuuray). Rususha iyo ducaaddu waxay ka qaadan jireen qisooyinka dadyawgii hore wacdi iyo cibro. Qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa Nabiguna (SCW) waa saad quluubta xaqa ku suga.
Ilaahay wuxuu yiri:
‘’Waxaan kaaga qisaynaynaa war kasta oo ka mid ah akhbaartii rususha wax aan laabtaada ku sugayno.’’
Nolosha dadku way isu eg tahay xagga toosnaanta iyo qallooca.
Dadka wanaagsan iyo kuwa xumina waa koobi soo noqnoqonaya; sidaa aawadeed Qur’aanka iyo Xadiisku waxay inooga sheekeeyaan qisooyin aynu ka dhex arkayno nafteena ama rag hareereheenna jooga ha xumaadeen ama ha samaadeene.
Waxaad moodaa in laga waramayo xaakim caadil ah oo maanta jooga ama xaakimka hebel ah ee daaqiga ah (qooqe) iyo fasaadka uu ummadda ka dhex wado. Mar kale waxay kula noqon in laga sheekaynayo hebelka ganacsadaha ah ama beeraleyda ah ee wanaagsan, marna waxaa kuu muuqanaya niman shirkad ah oo ballan Ilaahay ku galay in aysan masaakiinta xaqeeda siin oo kuwa maanta jooga lamoodo.
Ugu dambayn qisooyinku waa tusaale nool oo qofka isu barbardhigaysa naftiisa iyo bii’adiisa oo dhinac ah iyo uumankii hore iyo xaaladohoodii oo dhinac ah. Ilaahayna wuxuu dadka ku amray in ay dhulka ku socdaan oo ay eegaan sida ay ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay; si ay ugu cibra qaataan.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 1aad
Xaakim ayaa ka wariyay Abuu Muusaa in uu yiri:
Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay.
Markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: (ninka reer miyiyoow i weydiiso dantaada).
Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: ( war ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?).
Deeto asxaabtii ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd habarta reer Banii Israa’iil..?
Markasuu yiri: (Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku dheheen: Annagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan Ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.
Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: qabriga Yuusuf cid aan habarta reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I tus qabriga Yuusuf.
Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid badyaro (meel biyuhu ku uruuraan) markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.

Maxaan ka faa’iidaysanaynaa xadiiskaan..?

Waxaynu sheegnay in sheekada warinteeda diintu ka leedahay ujeeddo la doonayo in lagu gaaro. Ujeeddada ugu weyni waa in cibro iyo waansamid laga qaato oo hadday wanaagsan tahayna lagu daydo, hadday xuntahayna laga dheeraado. Hadaba aynu eegno qaar ka mid ah faa’iidooyinka xadiisku xambaarsan yahay.
1. Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah. Mu’minka waxaa saaran in uu karaameeyo martidiisa, waana sida uu yeelay ninkaas saxaabiga ah oo reer baadiyaha ahaa.
2. Diinteennu waxay inaku boorisay in qofka ixsaan loo galo uu ka abaalgudo, duca kaliyaba Alle ha ka dhigee, waana arrin dhaqan u ahayd Rasuulkeenna (SCW), sidaa darteed ayuu ku yiri ninkii marti sooray oo karaameeyay: sheego dantaada.
3. Ninkii ma haleelin in uu Rasuulka wax weyn oo adduun iyo aakhiro anfaca weydiisto ee wuxuu su’aashay wax yar oo adduunyo kaliya ah. Taasna Rasuulku (SCW) ma garaysan; maxaa yeelay nin mu’min ah oo og in uu Rasuulkii (SCW) dalab u sheeganayo ma qabato in uu wax sidaa u hooseeya sheegto, illeyn mu’minka waxaa lagu yaqaanay hanweyni iyo inuu meel sare ka fakaro. Kolkaas ayaa Nabigu (SCW) tusay asxaabtii in sida habartaas loo hanweynaado ee aan wax liita hadaf laga dhigan.
4. Ninkaan reer baadiyaha ahi Nabiga (SCW) wuxuu weydiistay wax xalaal ah oo uu u baahnaa, Nabiguna (SCW) wax ka weyn oo ka qiimo badan ayuu la doonayay ee inuu xumaan sameeyay kuma sheegin. Haddaba maxay kula tahay nin weyn oo subax walba u soo kallahaya in uu dadka waydiisto wax marka horena xaaraan ah, haddana wax yar oo liita sii ah, sida: Qaad iyo kii lagu Qiicin lahaa?.
5. Waxaa saaran culimada iyo hoggaanka ummadda in ay ogaadaan in jabka iyo dib u dhaca ummadda haysta uu xaggeeda ka yimid oo ay darsaan asbaabta keentay; si xal loogu helo ee aanay inta indhaha isku qabsadaan oran waan saxanahaye soo socda ama hadba meel cusub oo waxa ka soo bixi doona aan la ogayn aanay wejiga ku diirin.
6. Qisadaani waxay tusaysaa qiimaha cilmigu leeyahay iyo sida loo qadarinayo qofka cilmiga leh. Waxay kale oo tusaysaa haddii dadka cilmiga leh aan aqoontooda iyo ra’yigooda la tixgalin in la dhumayo. Ninkii yiraahda waan ka maarmayaana in uu meel mugdi ah oo haadaan ah wax ka tuurayo.
Eeg Nabigii Ilaahay ayaa ku khasbanaaday in uu habar wax weydiiyo oo waliba ay shuruud ku xiraysaa, isna ka yeelayaa; si uu dadkiisa jid toosan u mariyo. Ka waran haddii la yiraahdo waa habare inaga daaya?.
7. In ay ummadihii hore ku jireen dad khayrka aad ugu han weyn sida habrtaan. Asxaabta Nabigeenana (SCW) dhaqan bay u ahayd in ay ka fakaraan oo raadshaan meelo sare. Tusaale ahaan: markuu Nabigu (SCW) ka waramay todobaatan kun oo ummaddiisa ah oo jannada xisaab la’aan iyo cadaab la’aan galaya, waxaa soo booday Cukaasha ibnu mixsan oo yiri: Rasuulka Alloow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro.
Markaas ayaa Nabigu (SCW) ku yiri: ka mid ayaad tahay. Sidoo kale markii Nabigu (SCW) sheegay in jannadu leedahay siddeed albaab ayuu yiri Abuubakar: qofna ma looga yeerayaa albaabadaas oo dhan?.
Nabigu wuxuu ku yiri: waxaan rajaynayaa in aad ka mid noqotid. Waxaa kale oo jiray nin saxaabi ah oo Nabigu ku yiri: I weydiiso, isna weydiistay in uu jannada kula rafiiqo Nabiga (SCW), markaasuu ku yiri: (iigu kaalmee sujuud badan). Saxaabigaasi wax janno ka yar wuu ku qanci waayay.
8. In ay dumarka ku jiraan qaar ragga badankiisa khayrka kaga han weyn oo jannada iyo raallinimada Alle uga dadaal badan, sida habartaan oo kale. Waxaa xusid mudan in dumarkii asxaabtu sidaa oo kale ahaayeen, sida:
Ummu Suleym binti milxaan oo markii Nabigu (SCW) isaga oo gurigeeda jiifa uu soo toosay isaga oo qoslaya, markay weydiisay sababta uu la qoslayana wuxuu yiri: dad asxaabtayda ka mid ah oo badda fuulaya iyaga oo jidka Ilaahay ku duulaya, markaasay ku tiri: Rasuulka Allow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro, markaasuu ku yiri: waad ku jirtaa.
Waxaa iyana soo qaadis mudan saxaabiyaddii sarcaha qabtay oo Rasuulka ku tiri: ii ducee oo uu ku yiri: kala dooro in aan kuu duceeyo oo aad biskootid iyo inaad sabartid oo aad jannada gashid, markaasay dooratay jannada, Nabigana (SCW) waxay weydiisatay in uu u duceeyo si aysan u faydmin cawradeedu markii ay suuxdo, wuuna u duceeyay oo markay suuxdo ma faydmi jirin.
Haddaba soo gabdheheenna maanta lama gudboona inay ku daydaan dadkaas qiimaha badan?, miyayse qabataa inay cumrigooda ku dhammeeyaan daah, sariir, dhoof iyo sheeko baraley?.
Maya oo gabdhahayagu intaa ka qiima badan ee Alle ha u siyaadiyo wanaagga.
9. Qisadani waxay tusaysaa sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han weynida, uuna ugu boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto raadinta darajooyin sare, tusaale ahaan wuxuu ku yiri asxaabta: haddaad Alle janno weydiisataan Firdawsa weydiista maxaa yeelay; waa meesha jannada ugu sarraysa, uguna wanaagsan, webiyada jannaduna ka soo burqadaan.
10. Qisadaani waxay ka mid tahay mucjisooyinka Rasuulka (SCW); maxaa yeelay waa wax ghayb ah oo in Rabbi u sheega mooyee aanu si kale ku ogaan Karin illeyn qisada habartu kumaba taal tawraadda hadda Yuhuuddu haysato.
11. Dadka waxaa ku dhaca tawfiiq la’aan hadday fulin waayaan amarka Ilaahay. Eeg reer Banii Israa’il oo Nabi Muuse la socdo ayaa jidkii ka dhumay dardaarankii Nabi Yuusuf oo la fulin waayay awgi. Waxaa la mid ah markii qaar asxaabta ka mid ahi khilaafeen amarkii Rasuulka (SCW) maalintii Uxud muslimiintii oo dhan ayaa dagaalkii ku jabay iyagoo Nabigii (SCW) la joogo.
Fiiro Gaar


In lafihii Nabi Yuusuf la soo saaray macneheedu ma aha in jirka intii kale baaba’day ee waxaa looga jeedaa in meydkii oo dhan laga soo saaray qabrigii; maxaa yeelay Nabigeenna (scw) ayaa sheegay in Ilaahay dhulka ka xaaraameeyay in uu cuno jirka Nabiyaasha.


Thursday, March 30, 2017

Qisooyin cajiib ah

Qiso Cajiib Ah (Ma Joojin Karo Macsida) By Hooda Cali

Nin aad u dambi badnaa ayaa maalin wuxuu u tagay Caalinkii Ibraahim Ibnu AdxamWuxu ku yidhi   I waani oo wax ii sheeg markasta xumaandambi iyo xaraam ayaan ku dhacayaa mana joojin karo. Ka dib maxaa dhacay.

Wuxu ku yidhiIsagoo tusaya xumaanta ay leedahay macsidu “Haddaad rabto in aad ilaahay caasidosamee laakiin  Afar arrimood midkood uun. Ta koobaad: ha cuninoo ha cabin risqiga nimcada ALLE ku siiyey.

NinkiiSideen u samayn karaa sidaa isagoo waxkasta oo adduunka yaalaa ay yidhiin ILAAHAY cadiyadiisa.

Caalinkiiwuxu ugu jawaabay miyaanayn micno kuu samaynayn in aad cunto risqigiisa ood cabto,  Haddana aad caasido, Ka mid ninki wuxuu yidhi waa runtaa ee ii sheeg taladda labaad.

CaalinkiiWuxu yidhihadaad ilaahay caasiyeysomacsinah samaynso adigoo walib cunaya cuntadii uu ku siiyeycabayana sharaaabki uu ku siiyeyHadaba ku dul caasiyi dhulkiisa ee meelkale ku caasi.

Ninkii: Tan ayaa ka daran tii horesiday u suurto galaysaa iyadoo dhulkoo dhan ILLAAHAY leeyahyka dib caalimkii wuxuu ku yidhisiday kuula fududaanaysaa in aad cuntocabto risiqiisa waliba dhulkiisana aad ku caasidoNinkii wuxu ku yidhi tasadexaad

CaalimkiiHadaad ku dul caasiday dulkiisarisiqiisa aad cunayso, Bal ugu yaraan meel aanu kaa arkayyn ku caasi ILLAAHAY- SUBXAANALLAAH.

NinkiiSiday u suurtogal tahay in ay jirto meel aanu ALLAAH arkayn.

CaalinkiiSiday noqonaysaa in aad cunto cuntadii ALLAAH ku siiyeyCabto Risiqii iyo sharaabkiiwaliba dhulkiisa uu ku dajiyeywaliba ALLAAH Hortiisa in aad ku caasidaNinki wuxu yidhi Bal ta afrad

Caalimkiihaddaba haddaad sidaas oo dhan samaynayso sii wad macsidaada laakiin markuu MALAKUL MAWTKU kuu yimaad waxad tidhaa isug intaan tukanaya  laba rakcadood oo ILLAHAYNA u toobadkeen. Ka dibna ninkii wuxuu yidh ii ogolaan maayaan.

CaalimkiiHaddaba markay Maalaa’igta Cadaabtu kuu yimaadaa diid  oo waxaad tidhaa galimaayo.

NinkiiWuxuu yidhi: Bes Bes Bes, sidii baanu  ILLAAHAY kusoo hanuuniyey:

Haddaba Nuxurka Qisadu Waxay Odhanaysaa “ILLAAHAY KA BAQ MEELKASTA OOD JOOGTO IYO XAALADKASTA OD KU SUGAN TAHAYBA”

ALLAAHU ACLAM
By : Bashiir Cabdi maxamuud
Gmail: bbashiir5@gmail.com
Websitemuslinjaceel
Website: soomaalison

qiso cajiib ah

Qiso Cajiib Ah 
(Ma Joojin Karo Macsida) By Hooda Cali
Nin aad u dambi badnaa ayaa maalin wuxuu u tagay Caalinkii Ibraahim Ibnu AdxamWuxu ku yidhi   I waani oo wax ii sheeg markasta xumaandambi iyo xaraam ayaan ku dhacayaa mana joojin karo. Ka dib maxaa dhacay.
Wuxu ku yidhiIsagoo tusaya xumaanta ay leedahay macsidu “Haddaad rabto in aad ilaahay caasidosamee laakiin  Afar arrimood midkood uun. Ta koobaad: ha cuninoo ha cabin risqiga nimcada ALLE ku siiyey.
NinkiiSideen u samayn karaa sidaa isagoo waxkasta oo adduunka yaalaa ay yidhiin ILAAHAY cadiyadiisa.
Caalinkiiwuxu ugu jawaabay miyaanayn micno kuu samaynayn in aad cunto risqigiisa ood cabto,  Haddana aad caasido, Ka mid ninki wuxuu yidhi waa runtaa ee ii sheeg taladda labaad.
CaalinkiiWuxu yidhihadaad ilaahay caasiyeysomacsinah samaynso adigoo walib cunaya cuntadii uu ku siiyeycabayana sharaaabki uu ku siiyeyHadaba ku dul caasiyi dhulkiisa ee meelkale ku caasi.
Ninkii: Tan ayaa ka daran tii horesiday u suurto galaysaa iyadoo dhulkoo dhan ILLAAHAY leeyahyka dib caalimkii wuxuu ku yidhisiday kuula fududaanaysaa in aad cuntocabto risiqiisa waliba dhulkiisana aad ku caasidoNinkii wuxu ku yidhi tasadexaad
CaalimkiiHadaad ku dul caasiday dulkiisarisiqiisa aad cunayso, Bal ugu yaraan meel aanu kaa arkayyn ku caasi ILLAAHAY- SUBXAANALLAAH.
NinkiiSiday u suurtogal tahay in ay jirto meel aanu ALLAAH arkayn.
CaalinkiiSiday noqonaysaa in aad cunto cuntadii ALLAAH ku siiyeyCabto Risiqii iyo sharaabkiiwaliba dhulkiisa uu ku dajiyeywaliba ALLAAH Hortiisa in aad ku caasidaNinki wuxu yidhi Bal ta afrad
Caalimkiihaddaba haddaad sidaas oo dhan samaynayso sii wad macsidaada laakiin markuu MALAKUL MAWTKU kuu yimaad waxad tidhaa isug intaan tukanaya  laba rakcadood oo ILLAHAYNA u toobadkeen. Ka dibna ninkii wuxuu yidh ii ogolaan maayaan.
CaalimkiiHaddaba markay Maalaa’igta Cadaabtu kuu yimaadaa diid  oo waxaad tidhaa galimaayo.
NinkiiWuxuu yidhi: Bes Bes Bes, sidii baanu  ILLAAHAY kusoo hanuuniyey:
Haddaba Nuxurka Qisadu Waxay Odhanaysaa “ILLAAHAY KA BAQ MEELKASTA OOD JOOGTO IYO XAALADKASTA OD KU SUGAN TAHAYBA”
ALLAAHU ACLAM
By : Bashiir Cabdi maxamuud
Gmail: bbashiir5@gmail.com
Websitehttps://muslinjaceelblogsbot.com
Website:http://soomaalisonblogsbot.com

ummu camaara haweeney kun nin u dhigma




Umu Camaara, Haweenay kun nin u dhiganta.

Bismillah:Haweenaydan ka qiimaha badani  waa Umu-Camaara, Nusayba bintu Kacab ibnu Camru ibnu Cawf ibnu Manduul. Waa saxaabiyad reer Ansaareed ah, kana ah qabiilka reer Khazraj, ee reer bani Najaar.Qoyska Umu-Camaara kasoo jeeda waa reer bani Najaar oo nabiga awoowgii Cabdulmudalib abtiyaashii ahaa, ahaana qabiilkii nabiga kusoo dhoweeyey magaalada Madiina.Umu-Camaara waxay la dhalatay wiilka la dhaho; Cabdilaahi ibnu Kacab, wuxuu isaguna ahaa nin ka qaybgalay duulaankii Badar, iyo guud ahaan goobihii nabigu (scw) taagnaa, wuxuu ku geeriyooday dagaalkii Xarrah.Sidoo kale waxay Umu-Camaara walaalo yihiin Cabdiraxmaan ibnu Kacab oo kamid ah saxaabadii ka murugootay inay ka qaybgali waayeen duulaankii Tabuuk, kadib markii nabigu (scw) u waayey wax uu ku qaado, markaasna waxa kusoo dagtay aayadahan:وَلَا عَلَى الَّذِينَ إِذَا مَا أَتَوْكَ لِتَحْمِلَهُمْ قُلْتَ لَا أَجِدُ مَا أَحْمِلُكُمْ عَلَيْهِ تَوَلَّوا وَّأَعْيُنُهُمْ تَفِيضُ مِنَ الدَّمْعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُوا مَا يُنفِقُونَ ﴿٩٢“kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsadeen iyagoo indhahoodu la burqami oohin murugo (darteed) inayna helin waxay bixiyaan.” [Towbah:92]Umu-Camaara waxay guursatay islaamka kahor Zayid ibnu Camru Al-ansaari, oo isaguna kamid ahaa dadkii nabiga heshiiska kula galay Caqabah, kana qaybgalay dagaalkii Badar iyo Uxudba. Umu-Camaara waxay u dhashay Zayid laba wiil waa Xabiib ibnu Zayid iyo Cabdilaahi ibnu Zayid.– Xabiib ibnu Zayidna wuxuu isaguna ka qaybgalay guud ahaan duulaanadii nabiga (scw), waana saxaabigii nabigu u diray beenaalihii Musaylama Al-kadaab,  kadibna habaarqabahaas ayaa dilay oo maydkiisiina gubay.– Cabdilaahi ibnu Zayid isaguna wuxuu ahaa waana ninkii usoo aar gooyey walaalkii Xabiib ee seeftii ugu danbeysay ku dhuftay beenaalihii Musaylama Al-kadaab.Umu-Camaara waxa kale oo ay guursatay, Qusayah ibnu Camru Al-ansaari, oo isaguna ahaa saxaabi ka qaybgalay dagaalkii Uxud iyo goobo kaleba, waxayna u dhashay wiil la dhaho Dumrah ibnu Qasayah ibnu camru.Umu-Camaarah ilaahay raali haka ahaadee, waxay kamid ahayd labadii haween ee kaliya ee heshiiska islaamnimada nabiga kula galay Baycdii Alcaqabah, kadibna nabiga (scw) ayaa usoo hijrooday magaalada Madiina.Dagaalkii Uxud waxa wacdaro ka dhigay Umu-Camaara, labadeedii wiil iyo odaygeediiba. Umu Camaara, waxay usoo baxday inay kalkaaliso dadka dhaawacma laakiin markii dagaalkii qadhaadhaaday oo muslimiintii la jabiyey ayey Umu-Camaara bilowday inay difaacdo nabiga (scw). Dhawr saxaabi oo Umu-Camaara iyo qoyskeedu kamid yihiin ayaa kusoo hadhay meeshii nabigu joogay (scw), illamaayo Umu-Camaara laga dhaawacay, oo waxa soo gaadhay 13 dhaawac oo isugu jira seef, waran iyo shiishba.Umu-Camaara waxay tidhi: Anigoo ku dagaalamaya koofiyad la’aan ayuu nabigu arkay nin ordaya markaasuu ku dhahay; koofiyad sii cid ku dagaalanta. Dabadeedna wuu tuuray, markaasbaan qaatay oo gashtay, uguna tarisay (ku difaacay) nabiga (scw).Wuxuu yidhi wiilkii Umu-Camaara dhashay ee Cabdilaahi ibnu Zayid: “maalintaas dhaawac ayaa isoo gaadhay, markaasbay hooyaday soo oroday ayadoo meeshii dhaawacantay maro ku duubtay, markaasuu nabigu (scw) yimid oo igu dhahay: kac wiilkaygoow oo dagaalan. Wuxuuna yidhi: yaa awoodi karaya waxaas oo dhan aan ka ahayn Umu-camaara!!Kadibna waxa soo laabtay kii nabarka igu dhuftay, markaasuu nabigu dhahay; waa kaas kii wiilkaaga nabarka ku dhuftay. Dabadeedna Umu-Camaara ayaa istaagtay  oo ku dhufatay lugaha, oo fadhiistay, markaasuu nabigu qoslay illamaayo  laga arkay gows danbeedkiisa.Goobtaas ayaa waxa dhaawac wayn kusoo gaadhsiiyey Umu-Camaara ninkii habaarka qabay ee ibnu Qami’ah loogu yeedhi jiray, oo seef kaga dhuftay garabka, sidaasbayna ku dhaawacantay, Ilaahay raali haka ahaadee.  Marka dhaawacaasi uu soo gaadhay Umu-Camaara ayuu nabigu ku dhahay wiilkeedii Cabdilaahi: “Kac oo hooyadaa nabarkeeda dhay oo duub, markaasuu dhahayna: “Ilaahayow reer Umu-Camaara rafiiqayga Jannada ka yeel.”Umu-Camaara waxay kale oo ka qaybgashay Baycadii geedka hoostiisa ee Ilaahay kaga raalida noqday saxaabada Rasuulka (scw). Sidoo kalena nabigu (scw) tilmaamay in baycadaas cidii gashay aan la cadibi doonin.Markuu Nabigu geeriyooday kadib waxa xilkii la wareegay Abubakar oo la dagaalamay murtadiintii iyo beenaalihii Musaylama Alkadaab. Duulaankaasna Umu-Camaara way ka qayb gashay, waana lagu dhaawacay oo waxa lagu gooyey mid kamid gacmaheeda, laakiin wiilkeedii Cabdilaahi ayaa qudha ka jaray Musaylama, kadib markii Waxshiyy uu waran ka taagay Musaylama.Sanad kadib dhacdadaas ayey geeriyootay Umu-Camaara ayadoo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee magaalada Madiina.
WD: Bashiir Cabdi maxamuud

           Gmail:bbashiir5@gmail.com  https://muslinjaceelplogsbot.com






Taariiq nololeedkii saxaabada

Taariikh nololeedkii Saxaabigii boqorka ahaa Najaashi [Asxama ibnu Al-abjar]

Waa kuma Najaashi? ka daawo halkan: 


Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray cidii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeedhi jiray cidii boqor ka noqota dalka Masar. Najaashii noolaa xilligii nabigeena Muxamed waxa magaciisa la dhihi jiray Asxama ibnu Al-abjar.

 Najaashi aabihii ayaa ahaa boqor ka taliya dhulka Xabashida, kadibna wasiiradii iyo lataliyayaashii boqorka ayaa dhagar maleegay oo waxay iskku dhaheen boqorku wuxuu leeyahay hal wiil oo kaliya, wiilkaasina waa madi, markaa waa inaan dilnaa boqorka  oo aanu isaga badalkiisa boqor ka dhiganaa walaalkii oo lahaa laba iyo toban wiil. Dabcan lataliyayaashii boqorku sidii ayey kaga dhabeeyeen waxayna dileen boqorkii, badalkiisiina waxa yimid walaalkii.
Najaashi xilligaas waxa soo dhoweeyey adeerkii oo xukunka wax badan gacanta u galiyey, kadibna ragii aabihii dilay ayaa cadhooday oo iskuna dhahay haduu boqorku dhinto wuxuu xilka u magacaabayaa wiilkan markaana wuu inaga aar goosanayaa oo wuxuu inoo dilayaa dhiigii aabihii. Dabadeedna lataliyayaashii ayaa u tagay boqorki kuna h´dhahay boqorow wa ainaad dishaa wiilkan! Wuxuu yidhi: Ma intaad aabihii disheen shalaya ayaad maantana isaga dilaysaan? Waxay dhaheen: hadaad diiday inaad dishid wadanka mastaafuri.
Nimankii dilay Najaashi aabihii ayaa wiilkiina qabtay oo ka iibiyey nin ganacsade ahaa, waxayna siisteen 400 oo dirham, ninkiibaana Najaashi kaxaystay oo ka yeeshay Adoon.
Hadaba ninkii boqorka ka ahaa dhulka Xabashida ayaa dibada u baxay si uu isugu dhigo dhibcaha roobka, kadibna danab ka yimid xaga cirka ayaa asiibay, sidaasbaanu ku dhintay.
Markuu boqorkii dhintay ayaa wasiiradii iyo lataliyayaashii boqorku dooneen inay madax ka dhigaan mid kamid ah laba iyo tobankii wiil ee uu dhalay boqorku, mise laba iyo tobankuba waa doqomo aan hanan karayn xukunka dhulka Xabashida. Dabadeedna ragii taladu ka go’aysay ayaa shiray, waxayna go’aansadeen inay dib usoo celiyaan ninkii Najaashi ee ay adoon ahaan u iibiyee, wayna soo celiyeen oo waxay ku fadhiisiyeen kursigii boqorka, ayagoo madaxana taajkii boqorka u saaray.
Ninkii iibsaday najaashi ayaa u yimid boqorkii oo ku dhahay: Boqoroow, waxa ninman wasiiradaadu iga iibiyeen wiil adoon ahaa, ayagoo iga qaatay lacag, kadibna wiilkii ayey igala noqdeen, ee lacagtaydii ha isiiyaan ama wiilkii aan iibsaday. Boqorkii Najaashi wuxuu dhahay: Ninkan haloo celiyo lacagtiisii ama wiilkiisi, maxaa yeelay markuu Ilaahay aniga mulkigaygii iisoo celinayey igamuu qaadanin wax laaluush ah!! Lataliyaashii boqorka ayaa bixiyey lacagtii laga qaaday ninkii ganacsadaha ahaa.
Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu horeeyey ee ina tusaya cadaaladiisii iyo inaan dadka agtiisa lagu dulmi jirin, dabcana arrintaas waxa uga markhaati kacay Rasuulka oo dhahay: Boqorka Xabashida agtiisa laydinkuma dulminayo.

Hijradii Saxaabada

Xilliyadaas waxa dhib ayaa lagu hayey saxaabadii Rasuulka (scw), kadibna waxa loo ogolaaday inay hijroon karaan, markaasuu Rasuulkuna kula taliyey inay aadaan dhulka Xabashida maxaayeelay waxa jooga nin boqor ah oo aan agtiisa laydinku dulminaynin.
Saxaabadii way baxeen ayagoo doon ka raacay magaalada Jiddah, waxayna yimaadeen dhulka Xabashida. Meeshii ay saxaabadu soo mareen waxa ugu dhow oo uguna macquulsan inay ahayd deegaanada Soomalidu maanta dagto, gaar ahaan tuhunka ugu badan waa magaalada Saylac inay saxaabadu kasoo dageen, kadibna ay dhulkaas ku nasteen oo ay Ilaahay ku caabudeen, kahor intaanay la kulmin Najaashi.
Carabtii reer Qureesh ayaa ogaatay hijrada saxaabada waxayna soo direen laba nin oo xeelad iyo farsamoba lagu tuhmayey waa Cabdilaahi ibnu Abi Rabiica ibnu Almuqiira almakhsuumi iyo Camru ibnu Alcaas al-sahami. Waxaana labadan nin loosoo dhiibay hadyado ka samaysan harag, oo loogu talo galay inay ku laaluushaan lataliyayaasha madaxda Xabashida iyo hadyad u gaar ahayd boqorka Xabashida ee Asxma ibnu Al-abjar.
Kolkii labadii nin ay yimaadeen dhulka Xabashida ayey la kulmeen lataliyaashii, madax dhaqameedkii iyo wasiiradii dawlada, waxayn siiyeen hadyadii laaluushka ahayd, ayagoo ku dhahayna: Dhulkiina waxa soo galay dhalinyaro maangaab ah, oo diintii aabayaashoodna ka tagay, tiinana aan soo galin, ee madaxdii qoomkooda ayaa noo soo diray ee boqorka markaan ka dalbano idinku haa dhaha, ayagiina waxay dhaheen haye, waan yeeli sidaas.
Labadii nin boqorkii ayey hadyadii ugaarka ahayd ay siiyeen, kadibna warkii markii hore ay ku dhaheen lataliyayaashii ayey sheegeen iyo in madaxdii qoomkoodu raadinayso dhalintan soo gashay dhulka Xabashida ee noo gacan gali boqoroow, waxa kaaga aqoon badan madaxdoodiiyee, markaasna nimankii laaluushka qaatay ayaa dhahay: boqorow waa runtoodee, u gacangali waxa inaga yaqaana dadkoodee.
Boqorkii wuxuu yidhi: May, ma celinaya mana idiin gacangalinyo dad magangalyo iigu yimid, oo igasoo soocday dhamaan dunda oo dhan, wuxuuna faray in loo yeedho dhalintaas.
Saxaabadii markii ay maqleen in boqorkii u yeedhay ayey tashadeen waxayna go’aansadeen inay run sheegaan, maxaayeelay runbaa lagu badbaadaa.
Saxaabadii markay soo galeen qasrigii boqorka umaysan sujuudin kolkaas waxa jaaniskaa ka faa’idaystay Camru ibnu Alcaas oo yidhi: Boqorow, nimankani wax ixtiraama kuuma hayaan kuumanaysan sujuudin, waxay saxaabadii tidhi: Anagu cid aan llaahay ahayn uma sujuudna. Kolkii ay saxaabadu soo galayeen qasrigana waxay arkeen in baadariyadii ay sitaan maryahoodii iyo kutubtoodii, waxayna hubsaden in maxkamadin tahay maxkamad diineed.
Saxaabada waxay afhayeen ka dhgteen Jacfar ibnu Abidaalib, markaasuu boqorkii dhahay: Maxaa idin keenay dhulkayga? Waxay dhaheen: Boqorow anagu waxaan ahayn dad caabuda sanamyo iyo dhagxaan, dad cun bakhtiga iyo dhiiga, dad ku xadgudba kooda tamarta yar, dad la yimaada faaxishda, dad dhiba jiiraankooda kadibna Ilaahay wuxuu noo soo diray Rasuul anaga nagamid ah oo aanu garanayno dhalashadiisa, garanayno runtiisa, naqaano amaanadiisa, dhawrsanaantiisa, markaasuu noogu yeedhay inaan rumayno Ilaahay kalidiisa, oo anu ka tagno sanamyadii ay caabudi jireen aabayaashayo, oo aanu Ilaahay kalidii u gaaryeelno cibaadada, sidoo kalena aanu ka fogaano xumaanta, faaxishada, dhibka jaarka, dhibka martida, waxay tidhi UmuSalama oo xadiiska warinaysaa wuxuu tiriyey arrimihii Islaamka.
Kadibna boqorkii ayaa dalbaday inuu ku dul akhriyaan farriinta Ilaahay xagiisa uga timid nabi Muxamed (scw), markaasay ku akhriyeen suurada Maryam, kolkaasbay ooyeen boqorkii iyo madaxdii diinta Kiristanka illamaa ay ilmadoodu qoysa gadhkooda iyo kutubtii ay is hor hayeen.
Boqokii wuxuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee, kuwan (saxaabada) idiinma gacagalinayo, waxan ay ku hadlayaana iyo wixii kusoo dagay nabi Muuse (scw) waxay kawada imanayaan hal daaqad kaliya!!
Labadii nin ee Camru ibnu Alcaas iyo Cabdilaahi ibnu abi Rabiica waxay laabteen ayagoo dullaysan maalintaas, kadibna Camru ayaa yidhi: Barritoole intaan boqorka u tago ayaan dhihi nimankan ilaahaaga waxay ku sheegeen inuu adoonyahay, kolkaa Cabdilaahi ayaa ka dabacsanaa Camru oo ku dhahay: maya, ee usheegin sababtoo ah nimaka tol ayeynu nahay, ugu danbayn Camru wuu go’aansaday inuu warkii usheego boqorkii Najaashi ee Asxama ibnu Al-abjar.
Saxaabadii ayaa loo yeedhay oo la waydiiyey maxay ka rumaysanyihiin nabi Ciise, waxayna dhaheen: Nabi Ciise (csw) waxaan ka rumaysanahay wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu noo sheegeen oo ah inuu Ciise ahaa Rasuulkii Ilaahay, Nabigii Ilaahay, Adoonkii Ilaahay, Kalimadii Ilaahay iyo Ruuxdii Ilaahay, iyo inuu yahay eraygii Ilaahay uu ku tuuray Maryama oo ahayd gabadh bikro ah sidaasna ay ku dhashay ilmo aan aabo lahayn.
Boqorkii intuu gacmaha dhulka ku dhuftay ayuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee maydaan dhaafin wixii Ciise sheegtay qorigaas wax la eeg. markaa waxa buuqay wadaadii Kiristanka, kolkaasuu dhahay: Ama buuqa ama iskadaaya, Ilaahbaan ku dhaartee kuwan cidna uma gacan galinayo, ee idinkuna taga oo ku noolaada dhulkayga idinkoo aamin ah. Wuxuuna dhahay: Dhulakayga waxaad ku tihdiin Suyuum,- suyuumna- waa eray afka xabashiga ah oo macnaheedu yahay ku noolaada si nabadgalyo ah, Ilaahbaan ku dhaartee hadii la isiiyo dabr- buur dahab- ah idinma gacangalinayo.
Saxaabadii sidaas ayey ku nabagaleen oo ay ku naaloodeen nabadgalyo iyo amaan, sidoo kale boqorkii Najaashi isaguna wuu islaamay oo wuxuu qaatay diinta Islaamka.

Guurkii Nabiga iyo Umu Xabiiba.

Umu Xabiiba Ilaahay raali haka ahaadee waxay u hijrootay ayada iyo ninkeedii Cubaydilaahi ibnu Jaxshi dhulka Xabashida, markay halkaa tagay ayaa ninkeedii qaatay diinta Kiristaanka, wuxuuna noqday nin khamriile ah, Ilaahaybaan ka magangalnee wuxuuna ku dhintay khaatimdaa xun
Kadibna dhib ayaa lasoo daristay Umuxabiiba oo haysatay gabadh yar oo ay dhasay, kumanaysan laaban karayn magaaladii ay ka timid ee Makkah, sababtoo ah aabaheed Abasufyaan ayaa ku dhibaya diinteeda markaa waxa qabsaday murugo iyo walbahaar. Nabigu (scw) markuu ka war helay xaalada Umu-xabiiba ayuu doonay inuu guursado, kadibn saxaabiga Camru ibnu Umay Aldimri ayuu u dhiibay warqad ku socota boqorkii Xabashida oo uu ka dalbanay inuu u guuriyo haweenaydaas, boqorkiina wuu soo dhoweeyey arrintaas.
UmuXabiiba waxay tidhi: Aniga oo guriga jooga ayaa albaabka waxa igu soo garaacday gabadh la dhaho magaceeda Abraha, oo u shaqayn jirtay boqorka Najaashi oo u diyaarinjirtay dharka iyo saliida, maraasbay gabadhii igu dhahday: Umuxabiibay ma ogtahay in Rasuulkii Ilaahay kusoo doonay? Markaasaan ku dhahay: waad ii bishaareysay ee adigana Alle hakuu bishaareeyo.
Kadibna saxaabiga Khaalid ibnu Saciid ibnu Alcaas ayaa ka wakiil noqday Umuxabiiba oo ehel ahaan ay isugu dhowaayeen, waana laysu maheriyey nabiga (scw) iyo Umuxabiiba, maherkiina waxa bixiyey Najaashi lacag dhan afar boqol oo diinaar.

kacdoonkii lagaga soo horjeeday boqor Najaashi:

Kolkii ay lataliyaashii iyo madaxdii diintu ay ka shakiyeen islaamnimada Najaashi ayey u yimaadee, isaguna -Najaashi- wuxuu warqada ku qoray, waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Ilaahay mooyee, nabi Muxamedna uu yahay Rasuulkiisa, markaasuu warqadii galiyey jeebada sare isagoo maro kale cabyaad ka dul gashtay maryihiisii.
Ciidankii iyo dadkii kaso horjeeday ayaa yidhi anagu Ciise inuu wiil Iaah yahaybaan rumaysanahay, ee adiguna ma rumaysantahay? Najaashi intuu gacatiisa saaray jeebadii warqadu ku jirtay ayuu dhahay aniguna taasbaan rumaysanahay, isagoo ujeeda wixii warqadaas ku qornaa. Kolkaa way iskaga dareereen, hase ahaatee qolo kamid dadkaas ayaa kacdoon dagaal layimid.
Boqorkii Najaashi markii uu ogaaday in dagaal uu dhacayo ayuu saxaabadii nabiga u yeedhay, wuxuuna siiyey doonyo ay ku safrayaan iyo sahaydii ay ubaahnayeen wuxuuna ku dhahay: hadii nalaga awoodbto ku safra doomahan, hadii anagu aanu gacansareynana markaa waa Ilaahay mahadii.
kadibna boqorkii wuxuu ka gudbay wabiga Niilka isagoo la dagaalamaya qolodii ku kacsanayd, waxaana dhacay dagaal qadhaad. Ugu danbayna waxa gacantii sare yeeshay boqorkii Najaashi.
Saxaabadii Rasuulkuna (scw) intii rabtay inay sii joogta dhulka Xabashidana way kusii nagaatay, cidii rabtay inay u hijrooto Rasuulkana (scw) ayaguna way hijroodeen.
Sanadkii 9 aad ee hijriyada ayuu geeriyooday boqorkii Najaashi Ilaahay ha u naxariistee, maadaama aanay jirin cid ku tukatay salaadii janaasada waxa ku tukaday salaada janaasada nabiga iyo saxaabadiisa oo ayagu aan joogin gobtii uu ku geeriyooday Ilaahay raali haka ahaadee.
Waxay tidhi Umusalaam: Xabaashii Najaashi waxa la sheegi jiray in nuur ka iftiimayey oo ay hilaacaysay.
Boqor Najaashi ama Asxama ibnu Al-abjar wuxuu ahaa nin geesiya oo cadaalad badan, wuxuuna baal dahabka kaga yaalaa taariikhda Islaamka iyo muslimiinta, waxayna sharaf u tahay dhamaan muslimiinta degta geeska Afrika in ninkaasi kasoo jeedo qaarada Afrika gaar ahaana geeska Afrika.
WD Bashiir Cabdi maxamuud


Taariikhdii Fidel Castro

TAARIIKHDII  Fidel Castro Fidel Castro ayaa dalka Cuba hoggaanka u hayay muddo nus qarni ah iyadoo xisbigiisa oo kaliya uu dalkaasi ka ta...