Tuesday, March 28, 2017

gabay diini ah


waddaadaynayaa,walaalayaalow.Waan idiin xaddiisaynayaa weeye iga qaata.Wacdi baan idiin marinayaa welli sidiisiiye.Waxsan aynu kala qaadaniyo wax isu sheegeenu.Waa waajib ina saaranoo la ina weydiineWaa shan iyo tobankii bishii magaca weyneyde.Waa bishaan sugaynaye Alloow waafaji islaamka.Waa bishii karaamada lahayd wadatay khayraadka.Waa bishii ninkaan soomi jirin wellefku qaadaayey.Waa bishii ninkaan oofinayn wahabku saaraaye.Waa bishii iblays naga xidhnaa yar iyo waayeele.Waar intaad cibaadaysataan,weriya tawxiidka.Warkii diinta lagu waadaxshiyo weynida illaahay.Waxyiguu jibriil keenay iyo waanadii nebiga scw.Werdigiyo tasbiixdana badsada camal wanaag yeesha.Witrigiyo taraawiixda taga weysada ogaada.Nafta waallaloowgeedu yuu idinla weecweecan.Waas waasna yey idinku ridin idinla weydaaran.Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waantooba.Waxaan aad hantiyo maal dhaqdaan wallacsi mooyaane.Wed inaanay kaa baajinayn cudurna kaa waabin.Waad wada ogsoon tihiin inaydaan wallax ka qaadayne.Waxna idinka raacaynin aad weheshataan iilka.Wixii sadaqo aad ula baxdiyo waqaf illaahaybaWaxay kuugu iman maalintii weyne la hor joogo.Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waantooba.Waa maalmo nooluhu waxay dunida joogaane.Welligeed qof daa’imaya oo waara lama sheegin.Marka uu wakhtigu kaa dhan yahay waaran kuu yimide.Wedku qaadyey ruuxii wacnaa mowdku wllandeeye.Waa lakala horeysiinayaa wagaashiyoow aadmi.Waagii beryaba geeri baa laysu weriyaaye.Waxaa aaska loo sii sidaa wiil aad garanaysid.Miyeydaan werwerin aakhiraa laysu wadayaaye.Waar miyeeydaan qaarica ogayn waa qiyaamaha’e.Waa meel adoomaha dhamaan lagu waraystaaye.Waa meelaan eexiyo qabiil laysu wacanayne.Waa meelaan xidid iyo tol iyo waalid kula joogin.Waa meelaan wallaalkaaga rumi weedhku odhanayne.Waa meelaanay ubbad aad dhashiyo weris ku raacayne.Waa meelaan weji garasho jirin lagu wastayneyne.Waa meelaan wakiil kuu hadliyo weriye kuu joogin.Waa meelaan geed qudha lahayn waab la hoos galo’eWaa meelaan ceel gaaxday iyo webbi durduurayne.Waa meel waxaad gallabsateen waaxid la horgeeyo.Waa meelaad qoomamaynaysaan waayihii nollosha.Waa meelaan qof lagu wiirsanayn la isna weyneyne.Waa meel ninkii camal layimid waafi laga yeelo.Waa meel ninkii taarugana wadhi kuraacayso.Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waantooba.Waa duni wabiinkiyo kufrigu wehelad yeesheene.Waa duni halkii nabad ahayd weerar lagu qaaday.Waa duni wadaaddada cuntoo wadhaf ku goobaysa.Waa duni war tabadeedu tahay fiqi la weeteeyo.Waa duni ninkii shallay wacnaa manta weyd yahaye.Waa duni wadaddii toobadiyo, goysay wacadkiiye.Waa duni walleecaadaysoo malaha waan waane.Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waan tooba.Kala xiriir : bbashiir5@gmail.comTell: 617629953

No comments:

Post a Comment

Taariikhdii Fidel Castro

TAARIIKHDII  Fidel Castro Fidel Castro ayaa dalka Cuba hoggaanka u hayay muddo nus qarni ah iyadoo xisbigiisa oo kaliya uu dalkaasi ka ta...